Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemay magaaladaasi, kadib markii ay dhaq-dhaqaaq ay ka bilaabeen ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan.
Ciidanka gadoodka sameeyay ayaa ka tirsan kuwa Daraawiishta, waxayna xirteen laamiga dheer ee Boosaaso, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaannada Laag iyo Karin ee Bari.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay isbaari dhigteen waddada dhexdeeda, iyaga oo hakiyay gaadiidka xamuulka sida ee ka yimid dekadda Boosaaso.
Sidoo kale ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa farriin culus u diray madaxda sare ee Puntland, iyaga oo ka dalbaday inay soo farogeliyaan arrintooda, si wax loogu qabto.
Cabashada ciidamada ayaa soo noq-noqotay, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in looga baxay ballamo hore oo ay la galeen mas’uuliyiinta xukuumadda.
Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ku sugan Boosaaso iyo saraakiisha Booliska ee gobolka Bari ayaan haatan wada dadaallo dheeraad ah, iyaga oo wada-hadallo la bilaabay ciidamada cabanayo ee maanta gadoodka ka sameeyay gudaha magaaladaasi.
Mas’uuliyiintan ayaa isku dayay inay askartan ku qanciyaan in marka hore ay furaan wadada, waxay u sheegeen in ay dowladda ka heli doonaan daryeel caafimaad oo dhammaystiran.
Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Boosaaso gadood uga sameeyeen qaar kamid ah askartii kusoo dhaawacantay dagaalladii ka dhacay Calmiskaad, kuwaas oo sheegay in aysan helin mushaarkooda, sidoo kalena ay wayee daryeelkii ay u baahnaayeen.
Waa markii labaad oo bishaan gudaheeda oo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay gadood ka sameynayaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, mana jiro illaa iyo hadda wax ay ka qabatay xukuumaddu uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.
Gadoodka ay sameynayaan ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa dhawaanahan ku soo badanayay degaannada Puntland, waxaana ahayd maalmo ka hor markii ciidamo ka gadoodsan xuquuq la’aani ay xirteen laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo, iyaga oo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo dadka ka xanibay aagga degmada Xarfo ee gobolka Mudug.