Ciidamo ka go’ay Puntland oo taageeray DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online ) – Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, islamarkaana ka howlgala gobolka Gardafuu ayaa sheegay inay ka goosteen maamulkaasi, kadib muqaal ay iska soo duubeen oo lagu baahiyey baraha bulshada ay ku kulanto ee Internet-ka.

Muuqaalka oo uu ka soo muuqday sarkaal sheeganaya inuu yahay taliyaha gobolkaasi iyo ciidamo hubeysan oo xiran dharka tuutaha milatariga ayaa shaaciyey inay ka go’een Puntland, islamarkaana ay yihiin haatan wixii ka dambeeya ciidamo deegaanka ah.

Sidoo kale saraakiisha u hadashay ciidamadaasi ayaa sababta ku sheegay faro-gelin lagu hayo gobolka iyo in loo gacan dhaafo waxgaradka iyo aqooyahannada deegaanka.

Waxa kale oo ay shaaciyeen in ay diiddan yihiin in ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF la geeyo Gardafuu, maadaama uu gobolkooda yahay mid nabad-gelyo ah.

Ugu dambeyn waxa ay dowladda dhexe ee federaalka ah ee Soomaaliya ka dalbadeen inay gacan siiso, islamarkaana ay taagreerto, iyagoona ballan qaadeen inay diyaar u yihiin midnimada Soomaaliya iyo difaaca dalkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare ee dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan hadalka ka soo yeeray ciidamadaasi.

Si kastaba ha’ahaateen ma’ahan askartii ugu horreysay ee ka goosata Puntland, waxaana jira ciidamo ka tirsanaa maamulkaasi oo horey ugu biiray Somaliland.