Ciidamada Khaliifa Xaftar oo dib usoo rogaal celiyey kadib isbedello lama filaan ah

Tripoli (Caasimada Online) – Kadib khasaarihii kasoo gaaray galbeedka Libya, ciidanka dagaal-ooge Khalifa Xaftar waxa ay dib usoo cusbooneysiiyeen gulufka goboladda buuraleyda ah, iyagoo horay ugu sii dhaqaaqay magaalada istiraatiijiga ah ee Ghariyan.

Ciidanka Khaliifa Xaftar waxay dib u qabsadeen magaaladda Casabiya oo dhacda meel 15k galbeed uga beegan magaaladda Ghariyan, iyagoo weerar adag oo cirka ah ku qaaday meelaha ay heystaan ciidanka Dowladda Caalamku aqoonsanyahay.

Horumarka ciidanka Xaftar waa guushii ugu horreysay ee todobaadyadii dhowaa, markii ciidanku ay billaabeen in ay dib u qaabeeyaan istiraatiijiyadooda, wixii ka dambeeyay markii laga riixay furimaha Tripoli.

Talaabo Istiraatiiji ah

Dukaanle u dhashay Libya oo ku nool magaalo u dhaxaysa Tripoli iyo Tarhuna, ayaa sheegay in ciidanka Khalifa Xaftar dib u gurashadoodii Tripoli ay ahayd tallaabo Istiraatiiji ah.

“Tani waxay maleeshiyaadka ka saari doontaa degmooyinka dadku ku badanyihiin ee Tripoli waxayna u badeli doontaa goobo militari, sida degmadda Khalla, halkaas oo ay shacabkii ka carareen bilo ka hor dagaalka dartiis, sidaas darteed labada dhinac waxay dagaalami karaan iyagoo shacabka khasaare hor leh gaarsiin,” ayu yiri.

Diyaaradaha Ruushka

Awooda cirka ee Turkiga iyo qalabkooda iyo weliba calooshood u shaqaysteyaal ka yimid Siiriya ayaa kordhiyay awooda militari ee Dowladda Libya, waxayna colaadda u weeciyeen sidii dooneysay Dowladda caalamku aqoonsanyahay.

Si kastaba ha ahaatee, dad reer Libya ah ayaa u sheegay Middle East Eye in diyaarado dagaal iyo qalab cusub oo ay Ruushku keenaan ay Khaliifa Xaftar dib ugu celinayaan dagaalka.

“Dowladda Libya waxay lahayd awood yar oo dhanka cirka markii hore, Khaliifa Xaftar-na waxay lumiyeen Al-Watiya sababtoo ah diyaaradaha dagaalka ee Turkiga iyo kuwa aan duuliyaha lahayn, laakiin hadda goobta dagaalku waa ay isbedeshay,” ayuu yiri Maxamed oo ka mid ah dadka deegaanka.

“Turkiga ayaa maamulayay hawada Libya waxayna goynayeen marinka sahayda ee Khaliifa Xaftar, laakiin arrintu waa ay is bedeshay , Ruushka ayaa jawaabay iyagoo kordhinaya taageeradooda, diyaaradahoodona iyo qalab kale u diraya Libya,” ayuu yiri.

“Shaki kuma jiro, in ciidanka Khaliifa Xaftar ay hadda dib ugu soo laabteen hawada Libya.”

Dadka Libya ee ku nool galbeedka Libya ayaa shegay in diyaarada Turkiga hadda hawada laga wayay, kuwa Khaliifa Xaftar-na ay soo labeen  si ay u yareeyaan awooda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Ruushku waxaa uu u muuqdaa in uu kordhinayo danihiisa Libya iyo taagerada uu siinayo Khalifa Xaftar.

Ghariyan miyaa ku xigta?

Iyadoo xitaa dagaalku uu ka socdo duleedka magaaladda Tripoli, ilo dhowr ah oo ku sugan Libya ayaa u sheegay Middle East Eye in duqaymaha Khaliifa Xaftar ay muujinayaan u diyaar garow dagaal dhulka ah oo ay ku qabsanayaan magaaladda buuraleyda ah ee Ghariyan.

Khasaarihii kasoo gaaray Al-Watiya waxaa warbaahinta caalamku ku tilmaameen “dharbaaxo weyn”, Laakiin, magaaladda Ghariyan la’anteed, Khaliifa Xaftar waxay awoodaan in ay horumar ka sameeyaan dagaalka Tripoli.

Khaliifa Xaftar taageero badan kuma laham Ghariyan, taasi oo aad ugu adkeyneysa in ay qabsadaan iyo in ay u heystaan sida Casabiya oo kale.