Jubaland oo beenisay warar ay taageerayaasha DF ‘ku faafiyeen’ baraha bulshada

Kulbiyow (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa beeniyay warar ay baraha bulshada ku faafiyeen taageerayaasha dowladda, kuwaas oo baahiyay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay gacanta ku hayaan deegaanka Kulbiyow ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Gudoomiyaha deegaanka Aadan Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay ineysan jirin ciidamo dowladda oo gacanta ku haya deegaankaas, balse ay amniga deegaanka maamulaan ciidamada maamul goboleedka Jubbaland.

Gudoomiyaha wuxuu xaqiijiyay iney jiraan ciidamo dowladda dhexe ka tirsan, balse sida wararka loogu buun-buuniyay baraha bulshada ayuu kasoo horjeestay, wuxuuna qiray iney jiraan dhawr askari oo carooday balse dib loo soo celiyay.

Taageerayaasha dowladda ayaa baraha bulshada kusoo qoray warar sheegaya in ciidamada dowladda dhexe ay gacanta ku hayaan Kulbiyow kadib markii ay iska hor imaad kaga adkaadeen ciidamadii maamulka Jubbaland ee halkaas joogay.

Xiriirka u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaan wanaagsaneyn, tiiyoo ay jirto in dhawaan ay dowladda ciidamo badan ku daad gureysay gobolka Gedo inkastoo dhaq-dhaqaaqyadooda laga digay.

Si kastaba xaaladda deegaankaas ayaa dagan, sidoo kalana gudoomiyaha wuxuu baaq gurmar ah u jeediyay Jubbaland maadaama ay la tacaalayaan COVID 19.