Xukuumadda Kheyre: Waa qasab in D/Goboleedyada lagala tashado doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegtay inay qasab tahay in dowlad goboleedyada dalka lagala tashado qabashada doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Arrintan ayaa waxaa looga hadlay kulankii guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhan yahay ee xafiiska Kheyre lagu qabtay laba maalmood ka hor, kaasi oo ay ka qeyb-galeen golaha wasiirada iyo guddiga madax-banaana ee dorashooyinka qaran.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyey in baahi degdeg ah loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta.

Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqay muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan.

Ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaraaha uu doonaya inuu casuumo wakiilo ka socda dowlad goboleedyada, si arrintan loogala hadlo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shirkii Golaha wasiirrada Khamiistii la soo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hortaalla xilligan ay tahay hiegelinta doorashada.

Go’aanka xukuumadda ee ah in doorashada lagala tashado maamul goboleedyada ayaa siyaasad ahaan diidaya fikirka madaxweyne Farmaajo oo qaba in maamul goboleedyada aysan shaqo ku lahayn doorashooyinka oo ay u taallo guddiga doroashooyinka iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Farmaajo ayaa qaba in xildhibaanada iyo senator-da ay maamul goboleedyada wakil uga yihiin dowladda, loona baahneyn in si gaar ah loola macaamilo.