Sacuudiga iyo Israel oo leh wada-hadallo sir ah oo ku saabsan Masjidka Al-Aqsa

Qudus (Caasimada Online) – Sacuudiga iyo Israel ayaa billaabay kulamo qarsoodi ah bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, kuwaas oo ku saabsan sidii Sacuudiga loogu dari lahaa golaha Islamic Waqf ee maamula masjidka Al-Aqsa ee magaaladda Qudus.

Golaha Islamic Waqf waa guddi ay magacawday Dowladda Jordan si ay ula socdaan goobaha Muslimiinta ee magaaladda Qudus waxayna sheegtaan in ay yihiin maamulka ugu sarreeya ee al-Aqsa islamarkaana aysan hoos tagin sharciga Israel.

Wada-hadallada waxaa la weriyay in ay ku qabsoomeen qorshaha muranka badan dhaliyay ee Madaxweyne Donald Trump uu u bixiyay “Heshiiska Qarniga”, sida ay dublamaasiin sheegeen.

“Waa wada-hadallo sir iyo xasaasi ah oo ku qabsoomay daah ku jir iyo awood yari kuwaas oo dhexmaray koox yar oo dublamaasiyiin ah iyo saraakiil sare oo ka kala yimid Israel, Sacuudiga iyo Maraykanka waxaana wada-hadalladu qayb ka ahaayeen hirgelinta heshiisa qarniga,” ayuu sarkaal sare oo Sacuudiga u dhashay u sheegay wargeyska Israel kasoo baxa ee Israel Hayom.

Wargeysku waxaa uu sidoo kale wariyay in Golaha Jordan kasoo jeeda ay u tageen Israel iyo Maraykanka islamarkaana ay u sheegeen in ay yareeyeen diidmadooda ka dhanka ahayd Sacuudiga si ay uga hortagaan saameynta Turkiga ee sii kordhaysa.

Si kastaba, Jordan ayaa dooneysa inay heysato maqaamkeeda sare ee ilaalinta meelaha barakeysan, Sacuudiguna uu maalgelin doono ururadda muslimiinta ah ee jooga bariga Qudus, si meesha looga saaro maal-gelinta Turkiga.

Danjire Carbeed ayaa wargeyska Israel Hayom u sheegay: “Hadii golaha Jordan ay u ogolaadaan Turkiga in uu Qudus ka shaqeeyo isagoo aan qas ka sameyn Al-Aqsa, sanada yar gudahood ayaga ayaa meesha laga saarayaa. Waxay Sacuudiga uga baahanyihiin saameyn iyo dhaqaale si ay u gooyaan Madaxweyne Erdogan.”

“Israel iyo Sacuudiga halkaan waxaa ugu jira dano ah In Sacuudigu taageero fulinta qorshaha heshiiska Qarniga iyo inta lagu jiro hanaanka dhul goosiga Israel. Sacuudigu waxaa uu sidoo kale la yimid taageradda Imaaraadka iyo Baxreyn,” ayuu yiri danjiraha carbeed ee aan magaciisa la shaacin.

Sacuudiga waxaa la siin doonaa maqam ah kor joogteyn, si aan loo waxyeeleyn maqaamka Jordan ee ah Ilaalinta goobaha barakeysan ee Qudus, sida uu wargeysku sheegay.

Xriirka u dhaxeeya Falastiin iyo Sacuudiga ayaa xumaa mudda labo sano ah, sababo la xiriira boqortooyadda oo xiriir dhow la leh madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo taageeradda ay u muujisay heshiiska qarniga.