QOOR QOOR oo war cusub kasoo saaray QORSHAHA dhismaha dekedda HOBYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa hadlay doorka maamulkiisa uga aaddan dhismaha dekedda magaalada Hobyo, oo si weyn ay dad reer Galmudug ay ugu taamaan dhismeheeda.

Qoor Qoor ayaa sheegay in dhismaha dekedda Hobyo ay u qalab qaateen, isla markaana aysan la sugi doonin gacmo shisheeye isku tashina lagu dhisi doono, sida uu sheegay.

“Dekedda dhismeheeda waan ku soconaa, dowlado iyo dad naga taageera waan u baahanahay hadaan heleyno, laakiin ma sugi doono, jeebabkeena ayaan ka dhiseynaa, reer Galmudug-na waa dadka ugu hantida badan dalka wayna isku filanyihiin midnimo, wadajir, towfiiq iyo taley rabeen waana heystaan maanta Hobyo ayaana ka howlgeleynaa” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa sheegay in nabadu ay muhiim u tahay horumarka deegaanka, haatanna ay ku dhaqaaqeen in dadka ay ka xareeyaan hubka, isla markaana ay wadaan mideynta awooda dhinacyada hubeysan ee Galmudug, iyaga oo qarameynaya maleeshiyaadka hubeysan ee aan cidna ka amar qaadan.

“Waxaan ognahay meel aysan nabad ka jirin horumar kama jiri karo, sidaas darteed waxaan go’aansanay in aan soo xareyno hubka gacmaha goonida ah ku jira, waxaan mideyneynaa awooda, waxaana mideynta ciidamada Galmudug ku dhalineynaa, kuna ilaalineynaa nabadda deegaanka, waxaan ku hor istaageynaa colaadaha iyo isku dhacyada beelaha ee soo laa-laabtay, waan tababareynaa ciidamada, hada kadibna amar ayey qaadanayaan, wiilal hubeysan oo sida ay u fekeraan u dhaqmaya Galmudug kama sii jiri doonaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hoos ka dhageyso codka madaxweyne Qoor Qoor