Ciidamo ka tagay Muqdisho oo gaaray Kismaayo iyo xaalad is-beddel ah oo..

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada kismaayo waxaa shalay galab soo garay Ciidamo in mudo ah la sugayay kuwaas oo ka socday Wadanka Burundi ee qaybta ka ah Amisom, oo ka tagay Muqdisho.

Ciidamada, ayaa waxaay badali doonan Ciidamadii Kenya ee intooda badan iskaga baxay Magaalada Kismaayo bishii hore, kadib markii lagu edeyay in ay la kala safteen beelaha Soomaaliyeed ee Gobollada Jubboyinka wada daga.

Bixitaanka Ciidamada Kenya iyo imanshaha Ciidamada Burundi ee Magaalaada Kismaayo, ayaa waxaay guud ahaan badalaysa xaalada guud ee Magaalada Kismaayo iyo Sameynta ay dowlada Somalia ku leedahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Magaalada Kismaayo oo sanadihii la soo dhafay ahayd meel ka go’ doonsan Wadanka Somalia ayaa waxaa hadda lagu wada in ay noqo to meel furan oo ay Mas’uuliyiinta Dowlada Somalia iyo shacabka Somaliyeedba u safri karaan ayado aan la marinayn kadeedkii horay u haystay.

Imaanshaha Ciidamada Burundi, ayaa waxaa soo dadajiyay Wafdi Dowlada Somalia ka socday oo la rabay maalmo ka hor in ay boqdan Kismaayo oo isku amini wayay ciidamada yar ee Kenya uga haray Kismaayo, waxayna door bideen in aysan Kismaayo u socdaalin ila Ciidamo ka amar qaata dowlada Somalia ay Kismaayo yimadan

Maalmaha fooda inagu soo haya, sidoo kale waxaa la filayaa guuto kale oo ka tirsan Ciidamada Burundi in ay soo garaan Magaalada Kismaayo, waxaana guud ahaan Ciidamada Burundi iyo kuwa Seara Leone ay noqon doonan kuwa la wareega qeybta 5-naad ee howlgalka Amisom.

Sidoo kale, Ciidamada Dowlada Somalia ee ku sugan deeganka Gobweyn, ayaa ayaguna soo gali doona Magaalada Kismaayo maalmaha soo adan waxaayna si qaas ah ula shaqayn doonan Ciidamada Burundi.

Isha: Kismaayo24