Ciidamo ka tegay Muqdisho oo maanta ka degay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo badan ka dejisay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, kuwaasi oo ay dowladda dhexe u tababartay maamulka Puntland.

Ciidamadan ayaa lagu sheegay inay yihiin cutubkii u horeeyay ee Booliska Puntland, gaar ahaan laanta taraafikadda oo magaalada Muqdisho kusoo qaatay tobabar 5 bilood ah.

Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Puntland, Sareeye-guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa maanta garoonka Garoowe kusoo dhaweeyay ciidamadan, oo door weyn ka qaadan doona dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada booliska.

Taliye Cabdi Yare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamadan cusub door weyn ka qaadan doonaan shaqada sugida amniga, gaar ahaan hagida gaadiidka isticmaala gudaha magaalooyinka oo dhibaatooyin badan ka jiri jirtay, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu taliyuhu u mahad-celiyay Taliska booliska dowladda federaalka Soomaaliya oo qeyb weyn ku lahaa inay ciidamadaas tababar heer sare ah ku qaataan magaalada Muqdisho.

Magaalooyinka Puntland ayaa muddooyinkii dambe laga dareemayay saxmada baabuurta, waxayna ciidamadan gacan ka geysan doonaan kala hagida iyo bad-qabka gawaarida isticmaaleysa waddooyinkaas.