R/W Rooble oo xil kale oo cusub magacaabay maanta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalinkii labaad oo xiriir magacaabay xil cusub, isaga oo Maxamed Faarax Sabriye u magacabaay inuu noqdo agaasimaha cusub ee hab maamuuska xafiiskiisa.

Maxamed Faarax Sabriye ayaa maanta wixii ka bilowdo kamid noqonayo agaasimayaasha ka howlgala Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble. Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa mas’uulkaan cusub ku amray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo xil saaray.

Magacaabistan ayaa noqoneyso middii sedexaad ee uu ra’isul wasaare Rooble sameeyo muddo laba maalin gudahood. Shalay ayey aheyd markii Ra’iisul wasaare Rooble uu Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay inuu noqdo afhayeenka Xukuumadda iyo sidoo kale la taliye sare oo dhanka warfaafinta ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa isla shalay Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay inuu nqodo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa.

Xilka Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii hore waxa si kumeel gaar ah u hayay Cabdirisaaq Caato, oo isla maalmo gudahood markii xilkaas loo magacaabay laga qaaday, haddana dib loogu soo celiyey.

Maxamed Ibraahim Nuur oo ku cusub saxaada siyaasada ayaa dhawaan waxa uu la taliye sarre u ahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen, isaga oo hore uga mid ahaa barayaasha jaamacadaha magaalada Muqdisho.