Maamulka G/Banaadir oo soo saaray awaamiir cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu amaro culus kusoo rogay hay’addaha ka howl-gala degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya arrimaha Bulshada ee bixiya gar-gaarka bini-aadanimo.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in hay’adahaasi oo isugu jira kuwa maxaliga iyo caalamiga ah aysan kasii shaqeyn doonin gudaha gobolka, haddii aysan buuxin amarada cusub.

“Dhamaan hay’adaha ka Shaqeeya arrimaha Bulshada aysan ka howl-gelli karin magaalada Muqdisho, iyaga oo aan warqad ruqso ah ka heysan xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir  inta uusan dhamaan Sanadka 2020,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Waxa kale oo lagu yiri “Hay’addii aan isku soo diiwaangelin Shaqooyinka u diyaarsan sanadka 2021 in aysan ka Shaqeyn doonin dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilabo horaanta sanadka 2021.”

Sidoo kale waxa lagu xusay wareegtada kasoo baxday maamulka gobolka in hay’addaha u hogaansami waaya amaradan aysan kasii shaqeyn karin gobolka, taasi oo dhaqan galeysa horaanta sanadka cusub ee 2021-ka.

“Kadib markii lagu arkay habka ay wax u maamulaan hay’adaha Bixiya Gargaarka ka Shaqeeeya arrimaha Bulshada degmooyinka Gobolka Banaadir in aysan aheyn wax ku haboon dadka la gaarsiinayo ayaan waxaan go’aansanay in jaangoon iyo nidaam ku sameeyno hay’ad kasta oo ka Shaqeeysa arrimo bulsho si ay u yaraato isbarbar yaaca ka jira markii ay timaado qeybin, xog arruurin ama qiimeyn,”

Arrintan ayaa maamulka gobolku ku macneeyay mid kor u qaadeysa isla xisaabtan hay’addaha ka howl-gala gobolka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya arrimaha bulshada, kuwaasi oo ay sheegen inaysan si sax ah u howl-galin.