Ciidamo ka tirsan dowlada oo rasaas ooda uga qaaday Arday ku howlaneyd waxbarasho

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa rasaas ooda uga qaaday arday wax ka baraneysay iskuulka Al-cimra qeybtiisa xaafada laba dhagax degmada Warta-Nabada ee Gobolkaan Banaadir.

Ardayda la rasaaseeyay ayaa xiligaa ku sugneyd afafka hore ee iskuulka, waxaana la xaqiijiyay in rasaastaasi ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.

Rasaasta ayaa timid kadib markii ciidamadu ay eryadeen ruux mooto bajaajle ahaa oo ku orday Iskuulka xili uu muran dhexmaray ciidamada iyo Bajaajlaha waxaana xigay rasaasta lagu furay ardayda.

Rasaasta kadib waxaa goobta ka baxsaday ciidamada rasaasta furay kadib markii ay baqdin ka muujiyeen in rasaasta ay kusoo baxaan ciidamo kale.

Goobjooge ayaa sheegay in rasaasta ay dhaawac kasoo gaartay labo kamid aheyd dadka goobta ku sugnaa, gaar ahaan ardayda.

Ciidamada dowlada ayaa qaabab ka fog anshaxa kula dhaqma ardayda iyo guud ahaan dadka shacabka ee ku howlan baadi-goobka nolol maalmeedkooda.

Geesta kale, waxaan falkaan ka hadal hay’adaha amaanka oo iyagu maamula ciidamada geysta falalka amni daro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com