25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Ciidanka DF ku dagaalamay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caaimada Online) Inta la ogyahay labo askari ayaa ku dhaawacantay iska hor imaad maanta barqadii ciidamo ka wadatirsan dowladda ku dhexmaray xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa ka dambeeyay markii ciidamo ka tirsan kuwa millitariga ay isbaaro dhigteen xaafadaas taasoo ay lacago baad uga qaataan gaadidka dad weynaha.

Ciidamo kale oo goobta joogay ayaa arrintaas ka hor yimid, waxaana ay ciidamada isbaarada dhigtay ku amreen in ay qaadaan, waxaana meesha ka billowday iska imaad dhowr saacadood socday waxaana labada dhina ka dhintay labo askari, sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Iska hor imaadka ayaa sababay in uu istaago isku socodka dadka iyo gaadidka waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda ee ku yaalla xaafadda Oodweyne.

Dhacdooyinka noocan oo kale ma ahan kuwa ku cusub magaalada Muqdisho, balse waxaa la is weydiinayaa iyadoo dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah maxaa keenay in ciidamo ka wadatirsan dowladda ay ku dagaalamaan isbaaro sharci daro ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News