Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in duqeymo xooggan oo shalay iyo xalay ka dhacay gobolkaasi ay waxyeelo kasoo gaartay ciidanka xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo dagaal kula jiray Al-Shabaab.
Korneel Khaliif Idiris Cismaan oo kamid ah saraakiishii hore ee milatariga Soomaaliya, haatana qaabilsan isku xirka ciidamada Xoogga dalka iyo Macawiisleyda ayaa xaqiijiyey in dhacdadan ay ka dhacday aagga degmada Aadan Yabaal, laguna beegsaday ciidan Macawiisley ah.
Khaliif oo wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta ay haleeshay ciidamada oo rabay inay gadaal uga yimaadaan Al-Shabaab, si ay dhabarjabin ugu sameeyaan, basle ay la kulmeen weerar dhanka cirka ah oo si lama filaan ah u qabsaday.
“Meesha la yiraahdo Mabaax ku aadka degmada Aadan Yabaal horta shalay waxaa ka dhacay dagaal la’isku riiqmay, laakiin annaga diyaarad ayaa dhalinyaradii kuweenna ahaa dhabarjabin ku sameysay ciidan gadaal kasoo wareegay oo labaatameeyo ah oo rabay nimankan inay dhabarka ka saaraan ayay diyaaradihii rusheeyeen” ayuu yiri Korneelka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in duqeyntaasi lagu dilay 12 nin oo Macawiisley ah, laguna dhaawacay kuwa kale, wuxuuna ku baaqay in lala xisaabtamo ciddii ka dambeysay falkaas.
“Waxaa meeshaas ku dhintay 12 nin, taas diyaaradaha ayaan u haysanaa iyo cidda amarkeeda bixisay, waana daba taaganahay” ayuu mar kale yiri Khaliif Idiris Cismaan.
Duqeymaha oo daba socday dagaallo qaraar oo shalay ka dhacay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo kasoo baxay dhinaca deegaanka Ceel Cali Axmed, kuna soo jeeday degmada Aadan Yabaal.
Wararka ayaa sheegaya in laba gantaal lala helay kolonyada Al-Shabaab ee kasoo baxay Ceel Cali Axmed, waxaana gadiidka qaar saarnaa rasaas, kuwaas oo gebi ahaan goota ku basbeelay.
Xaaladda ayaa kacsan, waxaana lasoo warinayaa in Al-Shabaab ay haatan dareemayaan culeyskii ugu xooganaa, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo ku aadan duqeymaha ka dhacay deegaannada HirShabeelle.