26.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Agaasime Sanbaloolshe oo gaaray MOQOKORI xilli la soo saaray baaq deg deg ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Socdaalka Sanbaloolshe ayaa u daaran dardar-gelinta dagaalka yo inay ciiidamada qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ay ku dhiiri-geliyaan dagaalka naf-hurka ah ee kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa inta u dhaxeysa deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan Yabaal lagu dilay in ka badan 70 Shabaab ah oo horjoogayaal ay ku jiraan, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kooxda Al-Shabaab lagu jabiyay, waxaana weli aaggaas ka socda howl-gallo culus.

Dhinaca kale, socdaalka Sanbaloolshe iyo ma’suuliyiinta kale ee dowladda ayaa kusoo aadaya xilli qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay ugu baaqeen madaxda dowladda inay gurmad deg-deg oo isugu jira ciidan saad iyo hub la gaarto dadka deegaanka, si loo wiiqo awooda kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabdiraxmaam Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta baaqan diray ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay indhaha ku hayaan sida ay madaxda dowladdu masuuliyad isaga saaraan gurmadka iyo garab istaagga dagaalka ay beesha Xawaadle kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Waa dagaal jiritaan, argagexisadu waxay doonayaan in ay jebiyaan adkaysiga iyo ruuxda dagaal ee beesha, iyagoo kaga aargudanaya in horay uu jebiyeen haybadda iyo burjiga dagaal ee argagexisada. Dowladdu waa in ay gurmad ciidan, oo degdeg ah, saad iyo saanad la garab istaagtaa dagaalka,” ayuu yiri Xildhibaam Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ugu baaqayaa degaanada iyo beelaha deriska la ah in ay walaalahood u gurmadaan, difaaca dalka iyo degaanka waajib ayaa idinka saaran, ha suginana inta cadawgu guryihiina idinku imaanayo.”

- Advertisement -

Read more

Local News