Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Masar, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ee Axaddii ka dhacay agagaarka saldhigga milatari ee Damaanyo ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa si cad u cambaareeyay weerarka, iyadoo ku tilmaantay “mid si buuxda loo naqdiyay,” isla markaana muujisay garab istaag buuxa oo ay siineyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Masar waxay sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, shacabka Soomaaliyeedna waxay u rajeysay samir iyo adkaysi, halka dadka dhaawacmayna ay u rajeysay caafimaad degdeg ah.
Dowladda Qatar ayaa sidoo kale si rasmi ah u cambaareysay weerarka, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Doha ay hoosta ka xarriiqday sida ay uga go’an tahay la-dagaallanka dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada.
Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa bayaan la mid ah ku muujiyay tacsi uu u dirayo dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed, iyo qoysaska dadkii ku geeriyooday qaraxa.
Wararka laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in qofka is-miidaamiyay uu isku qarxiyay xilli uu la jiray dhalinyaro is-diiwaan gelinayay si ay ugu biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo saf ugu jiray agagaarka saldhigga Damaanyo.
Kaamiro goobta ku xireed ayaa duubtay muuqaalka nin ka soo degaya Mooto Bajaaj, kadibna soo dhex aaday dhallinyarada oo saf ku jira wadada dhinaceeda, kuna qarxay.
Waxaa muuqaalka laga arkayaa Holac ama Dab xoog leh oo goobta is qabsaday iyo dhallinyaradii dhankaas xigtay oo dhulka ku daadaneysa, kadibna uuro ayaa goobta is qabsatay, intaas ayuu ku egyahay muuqaalka la helay.
Qiyaastii 20 dhallinyaro ah ayaa halkaas ku geeriyootay, halka ku dhowaad 30 kalena ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay goobaha caafimaadka ee Muqdisho.
Khasaaraha qaraxaas kuma ekaanin dhalinyaradii feylka ku jirtay ee waxaa ku dhintay, kuna dhaawacmay dad kale oo shacab ah oo saarnaa gaadiidkii goobtaas maraayey, waxaa muuqaalada lasoo duubay laga arkay gaari Caasi ah/Home ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen dadkii saaraa iyo dhowr Bajaaj.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxaas ayaa ka gabasatay inay sheegto khasaaraha, waxayna ku soo koobtay inay baaritaan ku wado, balse waxay xaqiijisay inuu is qarxiyey qof naftiisa haligay oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Ciidamada ammaanka ayaa kor u qaaday heeganka guud ee magaalada, iyadoo baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo faahfaahinta weerarka uu haatan socdo.