27.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

JABUUTI oo dalkeeda ka saaraysa dadka kasoo jeeda Soomaaliya + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u bilowday tallaabooyin adag oo ay ku masaafurinayso muwaadiniin u dhashay dalal ay kamid tahay Soomaaliya.

Muwaadiniinta la musaafurinayo ayaa sidoo kale kasoo jeeda dalalka Yemen iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku xad-gudbeen shuruucda degenaanshaha iyo shaqada ee dalkaas, iyadoo dadka la bartilmaameedsaday lagu helay inay si sharci darro ah u joogeen dalka ama u shaqeynayay.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dalalka dadkaas laga soo masaafurinayo ay ka taagan yihiin xaalado amni darro iyo dhaqaale oo aad u liita. Warbixinnada qaar ayaa muujinaya in dadkaasi horey uga soo carareen colaado iyo xaalado nololeed oo adag, taasoo walaac xooggan ku abuurtay hay’adaha caalamiga ah iyo ururada u dooda xuquuqda aadanaha.

Jabuuti, oo ah dal istaraatiiji ah ku yaalla Geeska Afrika, ayaa sanadihii la soo dhaafay martigelinayay qaxooti fara badan, gaar ahaan Yemeniyiinta oo dagaal sokeeye uu dalkooda ka socday tan iyo 2015-kii. Dadkaasi ayaa dalka Jabuuti u arkay meel nabdoon oo ay kaga nabad galaan colaadda.

Tirada dadka Yemeniyiinta ah ee ku sugan Jabuuti ayaa lagu qiyaasaa tobanaan kun, iyadoo ay wehliyaan qaxooti kale oo ka yimid dalal ay ka jiraan colaado iyo dhibaatooyin nololeed sida Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Xarumaha ay qaxootigu deggan yihiin ayaa u badan kuwo aan rasmi ahayn, taasoo sii murjisay xaaladooda nololeed.

Wararka laga helayo ilo maxalli ah ayaa sheegay in howl-gallada lagu qabtay boqolaal qof ay ka dhaceen xeryo iyo deegaanno barakacayaal si ku meel gaar ah ugu noolaayeen. Dowladda Jabuuti ayaa la sheegay inay diyaarinayso in dadkaas lagu celiyo dalalkii ay ka yimaadeen, iyadoo aysan caddayn meelaha saxda ah ee loo musaafurinayo.

Hay’adaha samafalka iyo kuwa xuquuqda aadanaha ayaa si adag uga digay khatarta ay tallaabadan leedahay, gaar ahaan marka la eego haweenka, carruurta iyo dadka da’da ah ee barakacayaasha ah. Waxay sheegeen in ku laabashada meelaha colaadaha ka jiraan ay si toos ah khatar ugu tahay nolosha dadkaasi.

Ururadaasi ayaa ugu baaqay Dowladda Jabuuti iyo beesha caalamka in la xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah ee dadka qaxootiga ah. Sidoo kale, waxay codsadeen in aan la masaafurin dadka ku sugan xaalado nugul ilaa la helo xal waara oo ammaan ah oo lagu badbaadin karo noloshooda.

- Advertisement -

Read more

Local News