Ciidamo Dhuusamareeb looga daabulay Diyaarad iyo Gaadiid & Farmaajo oo kusii jeeda magaalada..

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa Guri-ceel ku wehlin doona wafdi ay kamid yihiin Hogaamiyaha Galmudug, Madaxa Xukuumadda Galmudug,Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo xubno ka tirsan Beesha caalamka.

Diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa hadda ka socda magaalada Guri-ceel, waxaana wadooyinka waaweyn lagu xardhay Calanka Somalia iyo sawirada Madaxweynaha.

Waxaa la filayaa marka uu Madaxweynaha tago magaalada Guri-ceel kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan waxgaradka iyo dhalinyarada.

Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Guri-ceel, waxaana halkaa la geeyay ciidamo farabadan oo diyaarad iyo gaadiid looga qaaday magaalada Dhuusamareeb, si ay usii adkeeyan amniga goobaha uu magaalada Guri-ceel ka tagi doono Madaxweynaha.

Dhinaca kale, Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo dhamaan doona magaalada Caabud-waa ee Gobolka Galgaduud.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusamareeb

Caasimada@live.com