Keating oo shaaciyay qorsho cusub oo uu ka damacsan yahay Dhuusamareb

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Micheal Keating oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegay in QM ay wado qorsho cusub oo lagu taageerayo midowga Galmudug iyo Ahlusunna.

Danjire Micheal Keating, ayaa sheegay in marka hore ay soo dhaweynayaan midnimada iyo dulqaadka ay isku muujiyeen Galmudug iyo Ahlusuna waxa uuna cod dheer ku sheegay in si dhow ay ula shaqeyn doonaan.

Micheal ayaa sheegay in magaalada dhuusamareeb ay ka damacsan yihiin qorsho cusub oo lagu furaayo faraca Xafiiska QM si ay u fududaato wada shaqayn ay la yeeshan Galmudug.

Micheal Keating, ayaa sidoo kale ballan qaaday inay si weyn u garab istaagi doonaan dowlad goboleedka Galmudug, iyagoo ka qayb qaadan doona dib u dhiska maamulkaasi.

Waxa uu sheegay Micheal Keating inay ahmiyad gaara u leedahay isgarabtaagooda maamulka Galmudug, isagoo tibaaxay in maamulka Ahlusuna ee midnimada qaatay ay uga mahad celinayaan sida ay u xaqiijiyeen amniga deegaanadooda.

Dhinaca kale, Micheal Keating ayaa Madaxweynaha Somalia ugu baaqay in maamulka Galmudug uu kala shaqeeyo dhismaha.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusamareeb

Caasimada@live.com