Ciidamo taageersan Wasiir Jamaal oo billaabay dhaq-dhaqaaq halis ku ah doorashada Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo taageersan Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Rooble, Jamaal Maxamed Xasan ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka.

Ciidamada taageersan Jamaal ayaa kamid ahaa daraawiishta Puntland waxayna hadda daacad u yihiin Wasiirka, oo asagu qarka u saaran in uu waayo kursiga uu ku fadhiyay ee xildhibaanada baarlamaanka federaalka.

Jamaal oo doonaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#169 ayaa waxa lasoo warinaya in uu maamulka Puntland kala dagaalamayo in markale uu ku soo laabto, taasi oo keentay in goor sii horeysay oo maanta ah ciidamada taabacsan Jamaal ay xirtaan jidka ka yimaada Tuulada Ceel-daahir ee taga Boosaaso.

Inkasta oo markii dambe la furay wadada laamiga ah ee deegaanka Ceel-daahir ee ay xirtaan ciidamadaas, kadib markii ay arrinta soo dhex-galeen odayaasha dhaqanka, haddana waxaa weli taagan cabsi laga qabo in xiisad dagaal ka qaraxdo Boosaaso.

Ciidamadaan ayaa waxay ku hanjabeen inay dagaal ku qaadi doonaan magaalada Boosaaso, haddii aan la joojin waxa ay ku sheegen boobka qaawan ee ka dhan ah kursiga beeshooda.

Waxay madaxweynaha Puntland Saciid Deni ka dalbadeen in uu faraha kala baxo kuraasta beeshooda, taasi oo suurtagalin karta doorasho ka dhacda Boosaaso.

Wasiir Jamaal ayaa hore uga digay in sida ay u socota doorashada kuraasta taalla Boosaaso ay keeni karto amni daro waxaana hadda sii yaraatay rajada uu ka qabo inuu kursigaas kusoo baxo, markii loo wareejiyay beel kale.

Si kastaba, Doorashada 16 kursi oo kamid ah kuraastii ugu horreeyey ee ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa qorshuhu yaahy in 5-ta iyo 6-da bishaan Maarso lagu qabto magaaladaas.

Waxaa magaalada Boosaaso ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada kuraastaas, ayada oo loo diyaariyay in doorashada lagu qabto Teendho ku taalla garoonka diyaaradaha Boosaaso, oo ammaankeeda lagu wareejiyay Ciidan gaar ah oo Booliis ah.