Ciidamo tiro badan oo la dhigay jidadka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada) – Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa xalay lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee gala xarunta Villa Somalia iyo baarlamaanka, kadib markii xildhibaanada baarlamaanka loo diray fariin loogu sheegayo inuu maanta jiro kulan deg deg ah oo looga doodayo mooshin ku saabsan arrimaha “doorashooyinka.”

Ciidamadaan ayaa xiray wadooyinka gala xarunta baarlamaanka iyo Villa Somalia, waxaana la xayiray isu socodka gaadiidka, ayada oo aad loo xakameynayo dadka halkaas gelaya.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Guddoonka baarlamaanka uu damacsan yahay inuu muddo kordhin labo sano ah u sameeyo xukuumadda iyo Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday, isagoo cuskanaaya in lagu heshiin waayay qabsoomidda doorasho dadban, sidaasi darteedna la aadi doono doorasho qof iyo cod ah mudo labo sano ah kadib oo mudo kordhin ah.

Qorshahan ayaa muddo laga soo shaqeynayey, waana mid ka mid ah sababihii ay madaxtooyada u fashilisay shirkii Afisyoone, xilli ay weli maamullada Puntland iyo Jubaland diyaar u yihiin in lasii wada-hadlo.

Beesha caalamka ayaa gebi ahaanba kasoo horjeeda in mudo kororsi loo sameeyo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday, taas badalkeeda ay door bidayaan in dib loo furo wada hadalada madaxda Soomaalida si xal la isla ogol yahay laga gaaro arrimaha doorashada, hase yeeshee ma muuqata cid warkooda dhageysaneysa.