Maxuu Rooble kala hadlay saraakiishii uu isugu yeeray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay kulan isugu yeeray saraakiilsha laamaha aminga ee dowladda Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay xafiiskiisa.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa taliyeyaashii uu la kulmay waxa uu ka dhageystay warbixinno la xariira xaaladda ammaan ee dalka iyo qorshayaashooda ku aadan sugidda amniga dalka.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu saraakiisha kula dardaarmay sare u qaadidda sugidda amniga dalka, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga ee dalka, ugu horeyna waxa uu warbixin ka dhageystay taliyeyaasha ciidamada ammaanka, R/wasaaraha ayaa laamaha amniga kula dardaarmay inay dardar geliyaan howlgallada lagu sugaayo amiga caasimadda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, sidoo kale laamaha amiga ayuu ugu baaqay inay wadashaqeeyaan oo badiyaan kulamadooda,” ayuu yiri Macalimuu.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Rooble uu saraakiisha kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka danta yar inta lagu jiro bisha Soon, sidoo kale dadka wax heysta ayuu ka codsaday inay danyarta caawiyaan.

Kulankan ayaa yimid ayada oo maanta uu jiro qorshe muddo kordhin loogu sameynayo baarlamanka iyo madaxweyne Farmaajo oo labaduba muddo xileedkoodu dhammaaday, waxaana la tuhmayaa in Rooble uu kala hadlay arrimo la xiriira sidii ciidanka ay gacan uga gaysan lahaayeen talalabooyinka sharci-darrada ah ee maanta la qorsheeyey.

Hoos ka Daawo