Shan arrin oo halis ah oo ka dhalan kara muddo kordhinta uu qorsheeyey MURSAL

Baarlamanka federaalka ayaa maanta kulmaya, ayada oo qorshaha uu yahay in muddo kordhin laba sano ah sameystaan, sidoo kalena u sameeyaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhacay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddii Maxamed Mursal uu ku dhaqaaqo tallaabadan sharci-darrada ah ee horey beesha caalamka ay uga digtay, waxaa ka dhallan doona shan arrimo oo halis badan oo dalka u horseeda qalalaase, kuwaas oo kala ah.

1- Dowlad ay ku dhawaaqaan Madasha Badbaado Qaran oo ay qeyb ka yihiin lab maamul Goboleed oo mug iyo miisaan siyaadeed leh, oo kala ah Jubaland iyo Puntland, laba madaxweyne hore, ra’iisul Wasaare hore, guddoomiye hore oo baarlaman iyo Midowga Musharaxiinta.

2- Puntland iyo Jubaland oo xariirka u jara dowladda dhexe ama gooni isku taag ku dhawaaca inta Ia isaga soo laabaanayo, taasina waxay caqabad ku noqon doontaa hor-usocodkii dowladnimada Soomaaliya.

3- Siyaasiiyinta kasoo jeeda gobolka Banaadir oo si adag uga hor imaan donaan dowladdu inay si habsami leh uga dhex shaqayso gobolka Banaadir, taasi oo ugu dambeyn horseedi karta isku dhacyo hubeysan

4- Culeyska iyo is-mari waaga wuxuu ku baahi donaa maamul goboleedyadda tageersan dowladda, waxaana dib ugu laaban donaan siyaasiinta kasoo jeeda degaanadaas, kuwaas oo iyagana laga yaabo inay ugu dambeyn kasoo horjeestaan dowladda dhexe.

5 – Isku soo wada duub dalka wuxu gali donaa xaalad cakirnaan siyaasadeed oo hada laga baaqsan karo, haddii uu caqligu shaqeeyo.

Abdullahi Mahdi waxaad kala xiriiri kartaa: facebook.com/abdullahi.mahdi

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid