Midowga Muraxashiinta oo digniin culus kasoo saaray qorshaha muddo kororsiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo ay si deg deg ah u qabteen Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa looga hadlay tallaabada uu baarlamaanka qorsheynayo maanta ee mudo kororsiga loogu sameynaayo madaxweyne Farmaajo iyo baarlamanka

Shariif Sheekh Axmed, oo ah guddoomiyaha Golaha Midowga Murashaxiint, ayaa sheegay inay nasiib darro weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed in iyadoo fidsan gogoshii looga arrinsanayay qabsoomida doorasho waadix ah in la aado mudo kororsi, wuxuuna tilmaamay inay si cad ugu soo horjeedaan tallaabadaasi kuna tilmaamay sharci daro.

Wuxuu sheegay Shariif in madaxda mudo xileedkeeda dhamaaday wadada ay dalka ku wadaan inay tahay mid qaldan oo dalka u horseedeysa xasilooni darro siyaasadeed, burbur dhaqaale iyo mid amni intaba.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in aysan cidna ku takri fali karto ammaanada ummada Soomaaliyeed, ciddii ku takri fashana waxay muujineysaa xukun jaceyl iyo kursi isku dhejis, isagoo sheegay in madaxweynaha xilka ka dhamaaday uu hadda muddo labo bilood ah sharci daro uu xafiiska ku joogo.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay kasoo horjeestaan tallaabo kasto oo dalka u horseedeysa qalalaase, isagoona bidhaamiyay in wixii ay horay ugu digayeen loo arkayay macno darro, balse maanta la arkaayo in la joogo waqtigii shacabka xaqiiqda ogaanayeen loona ordaayo muddo kororsi iyo in dalka loo horseedo xaalad qalalaase.

Sidoo kale, wuxuu nasiib darro usoo hoyatay ku tilmaamay ciidamada milateriga Soomaaliya in maanta oo ah 12-ka April oo ah maalintii la aas-aasay lagu soo aadiyo in loo adeegsado awood sharci darro iyo dhibaateynta shacabka, wuxuuna ugu baaqay inaysan aqbalin wax sharciga baal marsan.

“Iyadoo ay ku beegan tahay maalinta ciidammada xoogga dalka ee 12-ka April, waa nasiib darro kale in ciidammada loo adeegsanayo in ay xukunka sharci darrada lagu boobayo in ay u adeegaan waa qatar keeneysa in dib loo laabto, waana qaran dumisnimo, hoggaanka dalka waxaan leenahay waa ambataye soo noqo dalkaan ma qaadi karo muddo kordhin dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaan waa dal jilcan, beesha caalamka ummadda Soomaaliyeed ha ogaadaan wixii ka dhasha muddo korarsi la sameeyo waa u joognaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu danbeyn, Shariif Sh. Axmed oo garbahiisa taagnaayeen ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu tallaabada madaxweyne Farmaajo ee baarlamaanka qorsheynaayo beri inay tahay xukun jaceyl iyo kalitalisnimo.