Ciidanka Xoogga oo dagaal kula wareegay Gamboole

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolkaasi oo hoostaga maamulka HirShabelle.

Ciidamada Xoogga dalka oo howl-gal qorsheysan qaaday ayaa dagaal culus, kadib dagaalyahanada Al-Shabaab ka saaray deegaankaasi oo galbeed ka xiga Jowhar.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in iska hor imaadka labada dhinac uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhawaac.

Ilo dadka deegaanka ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamada milatariga Soomaaliya ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Gamboole, isla-markaana ay ka sameysteen fariisin.

Xaaladda ayaa haatan u kacsan, waxaan duleedka magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

Si kastaba ma’aha markii ugu horreysay oo ay ciidamada Xoogga dalka la wareegaan deegaankan oo ah mid istaraatiiji ah, iyagoo maray kala duwan dib ayey uga soo baxay.