Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay degmada Balcad

Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada ammaanka Balcad iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo xalay ka dhacay gudaha degmadaasi.

Dagaalka oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidanka oo howl-gal roonda ah waday iyo ragga qaaday weerarka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkaasi, waxa ay sheegatay in ay ku dishay ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee ka howl-gala Balcad.

Sidoo kale koxoda Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inay labo qoray oo AK47 ah ka furatay askartaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey, balse xaaladda ayaa saaka ah mid deggan.

Inta badan wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa ka dhaca weeraro qorsheysan iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.