Ciidamo wata diyaarado iyo maraakiib dagaal oo kusoo wajahan Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Hindiya iyo Shiinaha ayaa xaqiijiyay in ay Biyaha Soomaaliya u direen 3 Markab oo dagaal oo loogu tala galay in ay qaadaan Howgal ka dhan Kooxaha Burcadbadeeda oo maalmihii lasoo dhaafay laba jibaaray Afduubyadda Maraakiibta Ganacsiga.

Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ayaa la aaminsan yahay in ay xoogeysteen, islamarkaana Afduubkii Shanaad ay Shalay u geysteen Markab uu ka dulbanaayay  Calanka Tuvalu.

Howlgalkaan ayaa dowladda India waxa ay ku doonaysaa in ay kusoo furato Maraakiibta ay haystaan kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Maraakiibta INS Tarkash iyo  INS Mumbai ayaa kasoo baxay dalka India ,islamarkaana kusoo jeedda Xeebaha Soomaaliya , halka dalka Shiinaha uu kasoo baxay Markabka lagu magacaabo PLWadda.

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto Falalka kooxaha Burcabadeeda Soomalida ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya.

Madaxa Laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan La-dagaalanka Daroogadda iyo Dambiyadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalalka caalamka ay u soo jeestaan Qatarta ka dilaacday Soomaaliya.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay waxaana hadda gacantooda ku jira doomo Ganacsi.

Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com