Ciidan iyo gaadiid dagaal oo maanta laga dejiyay Gedo

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qaaday tobaneeyo ka mid ah ciidanka Militeriga Soomaaliya, waxaana la geeyay degmada Belad-xaawo ee gobalka Gedo.

Saraakiil ka mid ah ciidanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanka la qaaday ay la socdaan gaadiid dagaal oo gaashaaman iyo hub culus oo laga qaaday Muqdisho.

Si rasmi ah looma haayo tirada ciidanka la qaaday, hase yeeshee waxaa la sheegayaa in ay ku dhow yihiin 100 askari, gaadiid iyo hub culus iyo mid fudud.

Lama oga sababta ay dowladda Soomaaliya ciidanka dheeraadka ugu daabuleyso Gedo xili wali ay dood ka taagan tahay ciidankii ay geysay, oo Jubaland ay si xooggan uga cabatay.

Puntland iyo Jubbaland ayaa diidan ciidanka dowladda ee ku sugan Gedo, waxeyna diidmadaas saameyn ku yeelatay doorashada Soomaaliya oo u muuqata in ay dib u dhacday markii loo eego jadwalkii ay soo saareen bishii September ee sanadkaan.

Dhinaca kale, ciidanka cusub ee ay dowladda gaysay xadka ayaa imanaya ayada oo xiisad ay ka dhex oogan tahay Soomaaliya iyo Kenya. Ciidamada labada dal ayaa si kooban waxaa horey uu dagaal ugu dhex-maray xuduudda.