Ciidamo ka baxay Muqdisho oo deegaano dhowr ah ka qabsaday AL-SHABAAB

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Ciidamo deegaanka ah, oo dhawaan ka baxay magaalada Muqdisho, ayaa maanta la wareegay degaano hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan kadib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen.

Ciidamada, oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub farabadan, ayaa degaannada ay la wareegeen waxaa kamid ah; Qurcaleey, Jabileey iyo degaan kale oo hoostaga degmada Jalaalqsi ee gobolka Hiiraan, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan.

Qabsashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee muddo toddobaadyo ah kooxda Al-Shabaab looga saaro degaan ka mid ah gobolka Hiiraan, ayada oo dhowaanahan uu hakad ku yimid dagaalka lagula jiro kooxda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sababta dagaalka uu hakad-ka ugu yimid ku sheegtay inuu socdo diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka, oo ay sheegtay inay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne, si uu u hoggaamiyo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee galbeedka Hiiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in, in ka badan 3,000 oo Al-Shabaab ah la dilay, islamarkaana 3,700 oo kale la dhaawacay tan iyo markii uu billowday dagalaka ka dhanka ah kooxda bartamihii sanadkii tegay. 

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, ku dhawaad 70 tuulo iyo xaafado ayey ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya dadka deegaanka ka saareen kooxda Al-Shabaab.  

Haddii sheegashada dowladda ay sax tahay, waxay ka dhigan tahay in la dilay ku dhowaad 30% ama 50% dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, oo sirdoonka Reer Galbeedka ay ku qiyaasaan 7,000 illaa 10,000. 

Haddii lagu daro dhaawaca, waxay sheegashada dowladda ka dhigan tahay in la dilay ama la dhaawacay 70% dagaalyahanada Al-Shabaab, marka aan kasoo qabano tirada ugu badan ee lagu qiyaaso kooxda Al-Shabaab, oo ah 10,000 oo maleeshiyo.