R/W Xamza oo u yeeray saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiska Amniga Qaranka hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda Booliiska, Nabad-sugidda, gobolka Banaadir iyo Xafiiska Amniga Qaranka, waxaana looga hadlay amniga caasimada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxay hay’addaha amniga iyo maamulka gobolka ku soo bandhigeen Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muqdisho, gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan.

“Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii guud ahaan loo adkeyn lahaa amaanka, xilli ay kooxaha Khawaarijtu ay caadeysteen inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo laga soo saaray kulankaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray masuuliyiinta in hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si loo xoojiyo amaanka muwaadiniinta.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay laamaha amniga in kor u qaadan howl-galada lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab, si aysan Khawaarijtu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka bishan cibaadada Alle ku jira.

Si kastaba, kulankaan ayaa imanaya, xilli lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo kooxda Al-Shabaab ay inta badan kordhiso falalka amni daro ee ka geysato magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.