Daawo: Jeyte oo billaabaya dagaalka, kuna dhawaaqay qorshihiisa dagaalka kadib

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo maalmahaan safar ku marayey Muqdisho iyo dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne, isagoo shaaciyey qorshaha uu damacsan yahay.

Cali Jeyte ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in Hiiraan uu ka bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, qorshihii safarkiisa ayuu sheegay inuu ku qotomay sii socoshada dagaalka Al-Shabaab.

“Dadka reer Hiraan waxaa maanta ku war-gelinayaa inay u diyaar garoobaan dagaal, dagaal hadii uu bilowdo waa in la kala adkaado, meel dhexe oo la istaago ma jirto, u diyaar garooba dagaalka aan Shabaab dhameystirnee,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu iclaamiyey shir ay isugu imaanayaan reer Hiiraan 20-ka bisha Juun ee soo socota, isagoo rajo ka muujiyey in xiligaas ka hor laga guuleysa doono Al-Shabaab.

“Reer Hiiraan meel kasta oo ay joogaan, Shabaab kadib, 20-ka bisha Juun ilaa 1-da July, waxaan ka rabnaa inay Beledweyne isugu yimaadaan, si aan uga tashano aayaheenna,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay Shabaab ka xorey doonaan inta ay ka joogaan Hiiraan, wixii intaas ka dambeeyana ay ka tasha doonaan waxa xigi doona dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan rabnaa in dadkeenu aqligiisa mideeyo, gogosha ay dadku isugu imaanayaan anagaa dhigeyna, qof kasta oo ahlu cilmi ah oo wax garata oo reer Hiiraan ah ha yimaado gogosha ka fidsan Beledweyne,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Qorshaha uu ka leeyahay gogoshaas ayuu faahfaahiyey Cali Jeyte wuxuuna sheegay in aragtida dadka reer Hiiraan uu mideynayo, kadibna ay ku dhaqaaqayaan meeshii dantooda ay ku jirto, “Waxaa laga yaabaa in la is dhaho war odagu dadka ma dagaal kale ayuu geli rabaa? War maya dagaal barwaaqo ah ayaan idin gelineynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Hoos ka daawo