DF Soomaaliya oo shaacisay dilka 3,000 oo Al-Shabaab ah iyo dhaawaca 3,700

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in, in ka badan 3,000 oo Al-Shabaab ah la dilay, islamarkaana 3,700 oo kale la dhaawacay tan iyo markii uu billowday dagalaka ka dhanka ah kooxda bartamihii sanadkii tegay. 

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, ku dhawaad 70 tuulo iyo xaafado ayey ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya dadka deegaanka ka saareen kooxda Al-Shabaab.  

Haddii sheegashada dowladda ay sax tahay, waxay ka dhigan tahay in la dilay ku dhowaad 30% ama 50% dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, oo sirdoonka Reer Galbeedka ay ku qiyaasaan 7,000 illaa 10,000. 

Haddii lagu daro dhaawaca, waxay sheegashada dowladda ka dhigan tahay in la dilay ama la dhaawacay 70% dagaalyahanada Al-Shabaab, marka aan kasoo qabano tirada ugu badan ee lagu qiyaaso kooxda Al-Shabaab, oo ah 10,000 oo maleeshiyo.  

Dowladda ayaa muddaddii uu dagaalka socday soo bandhigtay qaar ka mid ah Shabaabka la dilay, balse tirada lasoo bandhigay uma badneyn sida tirada ay sheegatay dowladda. 

Warka kasoo baxa dowladda ayaa imanaya yada oo dhowaan la billaabayo wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda ayaa dhanka kale sheegtay in howlgal amni oo xooggan laga billaabayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si loo xaqiijiyo ayey tiri, in xubnaha baxsadka ah ee Al-Shabaab aysan waxyeelo u gaysan shacabka caasimadda. 

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in howlgalkan lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo shacabkeeda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramaadan.