Mahdi Guuleed oo shaaciyey sida uu ku dhaqan-geli karo muddo kororsiga dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo haatan ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay qorshaha muddo kororsiga la damacsan yahay in loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka iyo sida uu ku dhaqangeli karo intaba.

Mahdi Guuleed oo guddoomiye u ah guddiga loo xil-saaray arrintan, gaar ahaan kasoo tala-bixinta wax ka beddalka qodobo kamid ah Dastuurka ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan muddo korosriga dowladda, kaas oo ay in badan ka horyimaadeen siyaasiyiinta dalka.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu awood u leeyahay inuu wax ka beddalo Dastuurka, gaar ahaan muddo xileedka dowladda.

“Wax kasta oo sharci ah oo Dastuur ah oo aan ka hor imaaneyn Shareecada Islaamka iyo Mabaadii’da aas-aasiga ah ee Qaranimadeena Baarlamaanku waa karaa inuu sameeyo iyo inuu joojiyo,” ayuu yiri xildhibaan Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar).

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Baarlamaanka madaxweynuhuu dhalaa la xisaabtamaa, maamuus ka xayuunbin ayuu kusoo oogi karaa, ra’iisul wasaaruhuu la xisaabtamaaa, xukuumadduu dhalaa, la xisaabtamaa, kala noqon karaa kalsoonida,”.

Mahdi Guuleed oo u warramay SMS Somali TV ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu dhaqan-geli karo qorshaha muddo kororsiga dowladda, wuxuuna sheegay inay ku xiran tahay kaliya inay ka  fariistaan xildhibaanada labada Aqal, si ay uga gaaraan go’aan wadajir ah.

“Sida qodobka 36 uu dhigayo saddex meelood, laba inay Dastuurka wax kaga beddali karaan awoodda Dastuurka ayaaba siiyay”. ayuu markale yiri Mahdi Guuleed.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan iyo buuq siyaasadeed, waxaana si cad uga horyimid, siyaasiyiin caan ah, sida Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo kuwa kale oo badan.

Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afag sano.

Si kastaba, arrintaan waxay abuurtay guux iyo diidmo ay kala horyimaadeen siyaasiyiinta qaar, siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qorshahaan waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.