“Ciidan sugi waayey amniga Muqdisho ayaa la geeyey Dhuusamareeb” Waxaa yiri..

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan ciidamada ay dowladda geystay halkaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladdu meel nabad ah ay u daabushay ciidamo Boolis ah oo sugi waayay amniga Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in arrintan ay abuuri karto dhibaato hor leh, islamarkaana ay tahay mid aan maskaxda geli karin.

“Ciidamo Boolis ah oo sugi waayay amniga Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, oo aan tagi karin Suuqa Xoolaha iyo 17ka degmo aan amnigooda sugi karin in maanta loo daabulo Dhuusamareeb oo ah meel nabad ah waa wax lala yaabo.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris .

Dhanka kale Xildhibaan Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in waxa ka socda Dhuusamareeb ay yihiin afduub, islamarkaana wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan dib u heshiisin wadin, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in qalqal amni iyo mid siyaasadeed ay ka wado magaaladaasi.

“Waxa ka socda Dhuusamareeb waa afduub, Wasaaradda Arrimaha Gudaha wax dib u heshiisiin ah kama wado deegaanka, taas bedelkeed isku dir ayay ka wadaa, maalin hore magaalada waxaa halis u gasho in la isku fara saaro.”ayuu intaasi raaciyey xildhibaanku.

Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo maalimihii dambe dowladda dhexe dhaq dhaqaaqyo  xoogan ay ka waday gudaha  Dhuusamareeb, iyadoo geysay ciidamo badan oo laga qaaday magaalada Muqdisho, kuwaas oo la wareegay xarumaha muhiimka ah ee magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com