Italy oo war ka soo saartay afduubka Silvia Romano

Nairobi (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta Talyaaniga ayaa war cusub ka soo saartay afduub 20 bishii November gudaha dalka Kenya loogu geystay Silvia Romano oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkaasi.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in dowladda ay ka walaacsan tahay in Silvia si deg deg ah loogu qaado gudaha Soomaaliya.

Warkan ayey dowladda Talyaanigu ku sheegtay in kooxaha Afduubayaasha ay qorsheeyeen in ay kala talaabaan xadka Soomaaliya.

Dowladdu waxay sidoo kale sheegay inay weli rumeysan tahay in Silvia Romano lagu heysto gudaha dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa fashilmay wada hadal u socday safaaradda Talyaaniga ee Nairobi iyo kooxda Afduubka geysatay.

Silvia Romanoayaa oo aheyd shaqaallo gargaar, waxaana xilliga la afduubnayey ay ku suganeyd dalka Kenya.

Afduubayaasha ayaa la sheegay in rasaasta ay fureen ay ku dhaawacmeen illaa shan qof oo ay saddex ka mid ah carruur yihiin, kadibna ka tallaabeen wabiga Galaana.

Caasimada Online
Xaafiiska Nairobi
Caasimada@live.com