Ciidanka ammaanka oo rag burcad ah ku qabtay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka fuliyey qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo sidoo kale lagu xaqiijinayey amniga caasimada dalka.

Howl-galka ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyada oo lagu soo qabtay rag burcad ah oo dhac ka geysanayey degmadaasi.

Ragga lasoo qabtay oo gaaraya illaa saddex nin ayaa waxa ay wateen Mindi, Bastoolad & walxaha maanka-dooriya oo lagu soo qabtay.

Taliyaha saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid Gaashaanle Jimcaale Macow ayaa ka warbixiyey howl-galkaasi, wuxuuna sheegay in ragga lasoo qabtay ay habeenadii lasoo dhaafay dhibaato ku hayeen dadka deegaanka, iyaga oo dhac baahsan u geysan jiray shacabka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggan ay u gudbin doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

“Kooxdaan waxa ay maalmihii lasoo dhaafay dhac u geysaneysay Shacabka Degmada Yaaqshiid, waxaa nasoo gaartay cabashooyin dhowr ah, ugu dambeyn gacanta ayaan kusoo dhignay burcaddaan oo wadata Bastoolad, Mindi & walxaha maanka dooriya sida Xashiiska, maxkamad ayaan u gudbineynaa si loo mariyo ciqaabta ay mudan yihiin” ayuu yiri.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanayey falalka la xiriira dhaca oo ay si weyn uga cabanayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan caasimada.