Madaxweyne Qoor Qoor oo qaaday tallaabo daba joogta dilkii Sheekh Cali Dheere

Gaalkacyo (Caasimadda Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariistee Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Qoor Qoor oo ka kooban todoba qof ayaa kala ah:

1 – Muumin Xuseen Cabdullahi (Guddoomiye)
2 – Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye ku-xigeen)
3 – Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn)
4 – G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)
5 – X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin)
6 – Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)
7 – Cabdirisaq Khaliif Aadan (Xubin)

11-kii bishan ayaa meydka Sheekh Cali Dheere oo laga afduubtay koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa laga helay deegaan u dhow magaalada Galdogob ee gobolka Mudug, wixii intaas ka dambeeyana waxaa gobolka Mudug ka socda baaritaanka dadkii ka dambeeyey dilka marxuumkan oo ka shaqeyn jiray arrimaha samafalka.

Sidoo kale maalmihii la soo dhaafay waxaa Gaalkacyo ka dhacay banaanbaxyo lagu dalbanayey in cadaaladda la hor keeno ragii afduubtay ee dilay Sheekh Cali Dheere oo ahaa maamulihii guud ee Jaamacadda Iamaamu Nabawi ee gobolka Mudug, sidoo kalena aad u caawin jiray dadka danyarta ah.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in muddo dheer Sheekha la dilay ay daba joogeen laanta dembi barista booliska gobolka Mudug ee CID-da iyo guddiga amniga gobolka Mudug oo Sheekha xiray dhowr jeer, kadib markii ay uga shakiyeen inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

Markii u dambeysay waxaa la sheegay in la xiray bishii hore ee Abriil, iyadoo su’aalo lagu waydiiyey xerada ciidamada kumaandooska Danab ee koonfurta magalaada Gaalkacyo, balse maalmo uu xirnaa kadib waa la siidaayey, waxaana intii u dhaxeysay 10-kii ilaa 11-kii bishan laga afduubtay gurigiisa, iyadoo maalin kadib meydkiisa la soo dhigay deegaan u dhaw magaalada Galdogob.

Waxaa dilka Sheekha lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey askari ka tirsan booliska dowladda federaalka oo lagu magacabo Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan.

Cabdixakiin ayaa dhawaan waxaa laga soo wareejiyey saldhigga Booliska Galdogob, wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada Booliska Federaalka ah, waxayna xogta sheegeysaa inuu kamid ahaa askar ka tirsanaa Saldhigga Booliska Gaalkacyo oo loo xil saaray baaritaan lagu hayey Sheekha la dilay, isagoo si gaar ah u ahaa askarigii xabsiga kasoo saari jiray marka la wareysanayo Sheekha.

Maalmo ka hor dilka Sheekha, ayuu Cabdisalaan ka goostay Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo kadib markii ay meel xun gaartay xiisad ka dhalatay dil loo geystay nin ay qaraabo yihiin, wuxuuna 10-kii Bishii May soo wacay Sheekha dilka loo geystay oo kasoo jeedo Beesha dishay ninka ay qaraabada yihiin Cabdisalaan, isagoo u sheegay inuu ka socdo saldhigga loona soo dhiibay taleefoono horey looga qaaday Sheekha.

Markii uu Sheekha usoo baxay banaanka gurigiisa ayaa waxaa gaari ku gaxeystay Cabdisalaan iyo 2 askari kale oo watay baabuur gaar ah, waxaana saacado kadib ku dileyn meel u dhow Galdogob oo markii hore laga soo badalay Cabdisalaan. Booliska Soomaaliya ayaa billaabay baadi goobka eedeysane Cabdisalaan oo la sheegay inuu baxsad ka yahay gacanta Booliska kaasoo loo heysto dilka Sheekh Cali Dheere. Eedeysanahaan ayaa la rumeysan yahay inuu u gudbay deegaanada Soomaali Galbeed, waxayna Booliska codsadeen in lagu soo war geliyo haddii la arko eedeysanahaan.