Taliska booliska oo amray in xuquuqdooda loo dalbo saraakiil sare + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa taliyeyaal cusub u magacaabay Saldhiga Booliska magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Taliska.

Wareegtada Taliska ayaa waxa xilka taliyaha booliska magaalada Dhuusamareeb loogu magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame, halka Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayadana loo magacaabay Dhame Nuur Cilmi Maxamed.

Waxa uu taliska faray in loo dalbo taliyeyaasha cusub xuquuqdooda, sida lagu sheegay wareegtada uu ku saxiixan yahay Xijaar.

Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sidoo kale waxa uu taliye ku-xigeenka qeybta guud ee Booliska gobolka Mudug u Magacaabay Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud, kaas oo hore u ahaa Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb.

Xijaar ayaa faray Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Mudug in sida ugu dhaqsaha badan uu u howl-geliyo saraakiisha cusub ee xilalka kor ku xusan loo magacaabay.

Sidoo kale waxa uu Jeneraal Xijaar faray Taliyaha qeybta guud in taliyeyaasha cusub loo soo dalbo xuquuqda ay leeyihiin, isagoona si gaar ah hogaanka maaliyada iyo hogaanka Saadka ugu amray in ka gutaan waajibaadkooda ku aadan.

Hoos ka eeg wareegtada Xijaar