Khilaafka DF Soomaaliya iyo HirShabelle oo xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga arrimaha fatahaada ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa soo saaray jawaab faahfaahsan oo daba joogta eedeymihii uu u jeediyey wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka, kadib markii ay dhawaan wasaaraddu ka dalbatay inay tusaalooyin ka bixiyaan eedeyn la xariirtay mashaariic looga hor-tegi lahaa fatahaadda uu geysto wabiga Shabeelle.

“Gudiga arrimaha fatahaada ee dowlad goboleedka Hirshabelle markii uu arkay war-Saxaafadeedkii tirsigiisu ahaa MOF/MD/35/2021 ee kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya una muuqday mid isdifaacid ah. Waxaa muhiim noqotay in guddiga xog sax ah oo dhameestiray lawadaago bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay guddigan HirShabeelle u qaabilsan ka hor tagga fatahaadaha.

Guddigan ayaa qoraalkiisa ku xusay lix qodob oo faahfaahin looga bixiyey marxaladihii uu soo maray mashruucaan muranka ka dhex abuuray HirShabeelle iyo wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka, waxaana lagu yiri lixda qodob ee guddiga:

1 – Bangiga adduunka waxa uu ansixiyay mashruuca kasoo kabashada masiibooyinka (Somalia Crises Recovery Project) taariikhdu markii ay aheyd 15-kii May 2020.

2 – Heshiis is-afgarad ah (MoU) ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo Dowladda Hirshabeelle taariikhdu markii ahayd 19-kii Augusto 2020 oo kasoo wareegtay 9 bilood, Waxaa hubaal ah haddii masuuliyad la iska saari lahaa in lagu fulin-karay mashruucan mudo kooban dhibaatadaana kuma dhacdeen umadda Hirshabeelle.

3 – Janaayo 2021 ayaa dowladda Hirshabeelle waxa ay digniin ku aadan fatahaado laga baqayay iyo muhiimada fududeynta mashruuca ka hortaga fatahaadaha u gudbisay Xafiiska Raisul Wasaaraha, iyadoo Raisul Wasaarahu u yeeray Wasiirka Maaliyadda si loo fududeeyo howlaha looga hortagayo fatahaadaha wabiga Shabeelle, nasiib darro howlahan waxa cusleeyay Wasaaradda Maaliyadda iyo howl-wadeenada loo xilsaaray mashruucan (SCRP-PIU).

4 – Waxaa la ansixiyay qandaraaskii ugu horeeyay ee ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle isbuucii kowaad ee May 2021. Xiligaas oo aan suuro gal ahayn in wax laga qabto wabiga oo waxaa biloowday roobabkii iyo fatahaadaha.

5 – Waxaa dhacay waxyaabihii ay ka digeeysay Dowladda HirShabelle, iyadoo weli aysan bilaaban wax howl ah oo looga hortagaayo fatahaadaha la xiriirana mashruuca kasoo kabashada masiibooyinka (SCRP).

6 – Dowladda HirShabelle wax ay aaminsantahay waxa sababay dhibaatada in ay tahay dib u dhaca iyo howl-wadeenada mashruuca oo aan fakir ka haysan deegaanka.

Ugu danbeentii war-saxaafadeedka guddigan HirShabeelle u qaabilsan ka hor tagga fatahaadaha ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Dowladda Hirshabelle waxa ay marwalba u taagantahay wadashaqeeyn iyo u adeegidda ummadda.”