Kenya oo cadaadis xooggan wajaheysa, kadib xayiraadii duulimaadyada Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa wajaheysa cadaadis xooggan oo uga imaanayaa go’aankii ay hore ugu joojisay duulimaadyadii Soomaaliya, xili dhawaan dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal.

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, Ganacsatada beeraleyda Jaadka ee Kenya ayaa dowladda Kenya ku cadaadineysa in si buuxda dib loogu soo celiyo xiriirkii siyaasadeed ee labada dal, si dib ugu bilaabaan dhoofinta Jaadka.

Kimahi Munjuri, Guddoomiyaha ururka ganacsatada Jaadka ee Nyambene oo la hadlay wargeyska ayaa sheegay in dowladooda ay ku deg-degtay inay xayiraad kusoo rogto duulimaadyadii u kala gooshi jirey Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo ay culeys ku saareyso dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid “ra’yi qaldan ah”, islamarkaana aan laga fiirsan oo sii kala fogeynaya labada dowladooda, oo dhawaan ay dowladda Qatar dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed.

Ganacsatada Jaadka ee Kenya ayaa maalin kasta usoo diri jiray Soomaaliya Jaad faro-badan iyagoo ka sameyn jirey dhakhli aad u badan, si ay noloshooda ugu maareeyaan, waxayna xiliga wajahayaan dhaqaalo xumo baahsan.

Tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka labada dal ayaa waxay dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay inaysan weli fasaxin dhoofinta Jaadka, taasi oo markale mad-madow gelinaysa xiriirka ay Qatar ku bixisay dadaalka badan.

Kenya oo ka carootay go’aanka dowladda federaalka ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay duulimaadyadii iskaga kala gooshi jirey labada dal, waxayna dowladda federaalka ka fikireysa tallaabo adag oo ay kaga jawaabto go’aankaas.