Ciidanka booliska Somalia oo u dabaal dagaya 75 sano kadib aasaaskooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka xiran waddooyin waaweyn oo ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo loo diidayo gaadiidka dadweynaha, balse waxaa loo ogol yahay inay dadka lugtooda adeegsadaan.

Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa saaka loo xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxayna maanta u dabaal dagayaan sanadkii 75aad  ee kasoo wareegatay aasaaska ciidanka booliska.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidamada booliska ayaa tijaabooyin kala duwan ku sameynayay magaalada Muqdisho, waxaana qaarkood shalay loosoo xiray tababar kaga socday xarunta tababarka ciidamada ee Turkey ku leeyihiin Muqdisho.

Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa lagu bilaabay 3500 oo askari oo xiligaasi tababar kala duwan ku qaatay magaalooyinka Mandheera,Beledweyne iyo Muqdisho, waxaana kadib ciidamada laga dhex xulay ciidamada kala duwan ee dalka.

La taliyaha amniga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Federaalka ah ee hadda jirta ay leedahay 5,000 oo Askar oo meletari ah, kuwaasi oo diiwaangeshan islamarkaana mushaarkooda si joogto ah u hela.

Xafladda ciidamada booliska ayaa lagu dhigayaa garoonka kubbada cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan masuuliyiinta kala duwan ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com