Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Cirka ee Soomaaliya ayaa u dabaaldegaya 66-guuradii ka soo wareegtay aas-aaskooda, iyaga oo soo maray marxalado kala duwan oo taariikhi ah.
Sanadihii u dambeeyay, dib u soo kabashadooda iyo awooddooda howlgal ayaa si weyn u kordhaysay, iyadoo la helay diyaarado iyo qalab muhiim ah oo ka qeyb qaata sugida iyo sare u qaadista awoodooda.
Intii uu dalku soo maray waqtiyo adag, ciidamada Cirku waxay la kulmeen caqabado badan, iyaga oo mararka qaar ka hooseeyay ciidamada kale ee dalka oo helayay taageero dhinaca agabka iyo tababarka dhallinyarada cusub.
Sannadka 2026, Soomaaliya waxay haysataa diyaarado dagaal oo intooda badan laga keenay Turkiga, kuwaas oo ay kaxeeyaan duulliye Soomaali ah oo dhallinyaro dibadda lagu soo tababaray.
Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in dhowaan la keeno diyaarado cusub oo dheeraad ah, si loo xoojiyo awoodda ciidamada Cirka iyo doorkooda difaaca dalka.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidamada qalabka sida ayaa hambalyo u diray ciidanka Cirka.
“Waxaan hambalyo u dirayaa sarreeyaasha, saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda iyo dableyda Ciidanka Cirka ee XDS, kuwaas oo maanta u dabaal degaya sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha ayaa sidoo kale ciidanka ku amaanay adkaysigooda iyo heegankooda, isagoo tilmaamay in ay mudan yihiin taageero buuxda iyo maalgashi joogto ah si ay ula jaanqaadaan baahiyaha amni ee casriga ah.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xooga saartay horumarinta ciidamada Cirka iyo kuwa Badda, iyada oo taageero ka helaysa dalal kala duwan, gaar ahaan Turkiga, oo dalka keenay diyaarado casri ah oo lagu xoojiyey awoodda ciidamada.

