Ciidanka Danab oo maanta gudaha u galay Tooratoorow, kadib maxaa dhacay?

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ka fuliyeen deegaannada Tooratootow iyo Caliyow Baarow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Danab, gaar ahaan kuwa ururka 4-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, ayaa gudaha u galay deegaanadaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen illaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo loogu tegay deegaanadaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay burburiyeen goobo ay xoogaga Al-Shabaab lacago uga qaadi jireen dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Xubnaha lasoo qabtay ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamadu ay geeyeen deegaanka Balidoogle oo ay ku leeyihiin saldhig, waxaana kadib loo soo gudbin doonaa Muqdisho.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Tooratoorow oo ka mid ah meelaha howlgalka laga fuliyey ayaa waxaa sanado badan ka taliya Al-Shabaab, waxaana ugu yaallo saldhigyo waa weyn iyo xarumo maxkamadeed.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfura iyo bartamaha Dalka Soomaaliya.