Ciidanka DF oo 12 maalin kadib dib ula wareegay degaan muhiim ah oo laga qabsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta maamulka K/Galbeed ayaa 12 maalmood kadib, waxay dib u qabsadeen degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Bay, halkaas halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay dagaal kula wareegtay bilowgii bishaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ciidan badan ku dishay deegaanka Daynuunaay, maalinkii ay qabsadeen degaankaan ay maanta dib ugu laabteen ciidanku.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga baxday deegaankaan, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah, si lamid ah sidii 1-dii bishaan ay ciidanka dowladdu uga baxeen degaankaan Goof-gaduud Buurey.

“Maanta gelinkii hore ayaan la wareegnay Goofgaduud, mana jirin wax iska cabin ah oo Al-Shabaab aan kala kulanay,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaankaas Cabdiraxmaan Isaaq oo la hadlay Idaacadda VOA.

Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ay degaanka soo galeen ciidan aad u badan oo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo fariisin ka sameystay hareeraha iyo gudaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa saldhigyadii ciidanka ee deegaankaas ka socda dadaallo miinooyinka looga saarayo, maadaama kooxda Al-Shabaab ay caan ku tahay inay miinooyin geliso deegaanada laga saaro ama ay isaga baxaan.