Ciidanka Israel oo toogasho ku dilay wariye ka tirsan Aljazeera, Shireen Abu Akleh

DOHA (Caasimada Online) – Wariye ka tirsan Aljazeera ayaa lagu dilay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen maanta oo Arbaca ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu sheegay Telefishinka Carbeed ee laga leeyahay dalka Qatar.

Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in laga yaabo in ay toogteen dad Falastiiniyiin ah oo ay isku dhaceen ciidankeeda.

Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay “dileen” ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ay ciidamadu geysanayaan.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay geerida Shireen Abu Akleh, waxayna sidoo kale sheegtay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.

War qoraal ah oo uu soo saaray militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay rasaas ku fureen kadib markii ay “rasaas xoog leh” kala kulmeen Jenin.

Sidoo kale waxay intaas ku dareen ‘inay ay suurta gal tahay, in suxufiyaddan ay ku dhimatay rasaas ay soo fureen Falastiiniyiintu’, laakiin hadda uu socdo baaritaanka.

Shireen waxa ay aheyd wariye aad looga yaqaanay Bariga Dhexe, iyada oo ka mid ah weriyeyaasha ugu saamaynta badan laanta Carabiga ee Aljazeera.

VOA + Reuters