29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Ciidanka Jubaland oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay kadib dagaalkii ka qarxay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Nabad-sugidda ee Jubbaland oo iskaashanayaa ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay dagaal culus oo Jimcihii shalay ka qarxay duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo dhex-maray iyaga iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyay.

Ciidamada oo ka duulaya ka hortagga weerarada Al-Shabaab ayaa saaka iyo xalay howlgallo culus ka sameeyay deegaannada hoos yimaada magaalada Kismaayo, halkaas oo ay isku fidiyeen, iyaga oo bartilmaameedsaday goobo lagu tuhmayo maleeshiyaadka Khawaarijta.

Sidoo kale, ciidamada ayaa weeraray deegaanno la sheegay inay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, halkaas oo iska hor imaadyo kooban ay ku dhex-mareen labada dhinac.

Sarkaal sare oo u hadlay ciidanka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, deegaannadaas oo dhana looga saari lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorheeyay, isla markaana ciidamadu ay ka gaareen guullo waa waayn oo wax ku ool ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya amniga Kismaayo, waxana weli socota baaritaanka ku aaddan raadinta xubnaha firxadkooda,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ee la hadlay warbaahinta.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana Kismaayo iyo hareeraheeda laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq culus oo halkaas ay ka wadeen ciidankada Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Danab.

Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa badanaa weeraro ka fuliyay Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay shalay oo ay dagaal ku ekeeyee saldhig ay ciidanka Danab ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku sugan ciidamo kooban oo ka tirsan Danab, halka meel u dhowna saldhig ku leeyihiin ciidanka Daraawiishta Jubbaland. Isla xeradaas waxaa sidoo kale ku sugan saraakiil iyo askar kooban oo Mareykan ah oo la shaqeeya ciidanka Danab.

- Advertisement -

Read more

Local News