Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed oo qoraal soo saaray ayaa weerar xun ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo soo bandhigay dhibaatooyin ka dhashay barakicinta dhulka danta-guud.
Shariif ayaa shaaca ka qaaday in maamulka hadda jira uu ku takri-falay awooda dowladda ee maamulka iyo maareynta khayraadka bulshada, gaar ahaan dhulka danta-guud, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay dhaawac wayn u gaystay kalsoonoda shacabka.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay saameyn gaar ah ku yeelatay dhalinyarada oo ka quustay dalkooda, maadaama ay bilaabeen inay tahriibaan.
“Waxaan maalin walba daawanaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tahriibaya dalkooda iyagoo sheegaya inay raadinayaan fursado iyo rejo. Waxay taasi meel ka dhac ku tahay qof walba oo masuul ah iyo nidaamka dowladnimadda oo ku dhisan adeeg iyo daryeel bulsho” ayuu yiri Shariif.
Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in hoos loo eego xaalka dhalinyarada Soomaaliyeed, lana siiyo kalsooni ay dalkooda ku maalgashadaan.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-
Dhibaatada ka dhalatay cadaalad darrada iyo ku takri-falka awooda dowladda ee maamulka iyo maareynta khayraadka bulshada gaar ahaan dhulka danta-guud, kaliya ma uusan saameyn hab-nololeedka qoysaska danyarta ah ee Magaaladda Muqdisho, ee waxaa uu sidoo kale dhaawac wayn u gaystay kalsoonida dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku qabaan dalkooda.
Waxaa nasiib darro ah in dowladu ay dayacday waajibaadkii loo igmaday oo ay mid tahay yarenta shaqo la’aanta iyo abuurista fursadaha, iyadoo taa bedelkeeda la burburiyay goobo ganacsi oo ay shaqaale ka ahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed, iyaguna ay maalgashadeen.
Waxaan maalin walba daawanaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tahriibaya dalkooda iyagoo sheegaya inay raadinayaan fursado iyo rejo. Waxay taasi meel ka dhac ku tahay qof walba oo masuul ah iyo nidaamka dowladnimadda oo ku dhisan adeeg iyo daryeel bulsho.
Waxaan u soo jeedinayaa madaxda maanta talada haysa in dhalinyarada Soomaaliyeed il gaar ah lagu fiiriyo, la siiyo kalsooni ay dalkooda ku maalgashan karaan, isla markaana lagu dhiirragaliyo abuurista shaqooyinka iyadoo loo fududeynayo hab-raacyada dowladeed ee lagama maarmaanka ah.

