Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnihii mucaaradka ee ka baxay Madasha Samatabixinta, kadib heshiiskii ee la galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo xasaasi ah, iyaga oo tegay xarunta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ee ku howlan arrimaha doorashada.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kamid ah ragga isaga baxay Madasha Samatabixinta ayaa maanta diiwaangeliyay xisbiyadooda cusub.
Xisbiyadan oo dhawaan lagu dhawaaqay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb-galka doorashooyinka dalka ka dhacaya ee qof iyo codka ah, kadib markii ay la heshiiyeen Villa Somalia.
Guddiga Doorashooyinka ayaa maanta shahaadada siiyay xisbiyada cusub oo gaaraya illaa 14 uruur oo soo buuxiyay shuruudiihii laga rabay, sida uu shaaciyay Cabdikariin Axmed Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooynka qaranka.
“Waxaa sharaf wayn innoo ah in 14 urur aan maanta shahaado siinay oo soo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa waxaa kale oo qiimo noogu fadhiyo in rag badan oo siyaasiyiin ay kamid yihiin dadka maanta ururadooda ku guuleystay inay helaan urur ahaan iyo siyaasad ahaan” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka.
Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo xubnaha mucaaradka ee uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed ay weli maqan yihiin, kadib markii ay burbureen wada-hadallo la’isla gaaray 5-ta wareeg oo ay Villa Soomaaliya kula galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hase ahaateen Villa Somalia waxaa ka dhacay shir kale oo ay heshiis ku gareen Madaxweyne Xasan, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Wasiir hore Daahir Maxamuud Geelle iyo guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Sidoo kal Bayaan ka soo baxay kulankooda ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen in Baarlamaanka uu doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeennada dowlad-goboleedyada waxaa soo dooranaya golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayaanka ay si wadajir ah u soo saareen dowladda iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Heshiiskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha, iyadoo codka kalsoonida u qaadi doono Baarlamaanka, uuna awood u yeelanayo inuu kala laabtana.

