Ciidanka Kenya oo mar kale xasuuq ka geystay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday hay’adda difaacayaasha xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dilal ay ciidamada Kenya ka geysteen qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan tuulada lagu magacaabo Raaskambooni.

Hay’adda ayaa shaacisay in ciidamadu ay beegsadeen dad shacab ah oo reer guuraa ah, isla-markaana u kala kaceen dilal arxan darro oo loo geystay dadkaasi rayidka ah.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in waxa dhacay ay yihiin xasuuq, waxayna intaasi ku dareysaa in dadka la dilay oo 3 qof ah la’isugu geeyey hal goob, kadibna loo dilay si arxan darro ah.

“Isbaheysiga difaacayaasha xuquuqul insaanka Soomaaliyeed ee CSHRDS waxa ay cambaareyneysaa xasuuqan waxashnimada iyo naxariis darada ah ee ay ciidamada Kenya u gaysteen dadka rayidka ah ee aan dagaalka ku jirin,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda.

CSHRDS ayaa sidoo kale dalbatay in dhacdadan lagu sameeyo baaritaan caalami ah, si loola xisaabtamo ciidamada geystay falkaasi.

“Waxaan ku baaqaynaa in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dembigaas foosha xun iyo isla xisaabtan,” ayey sii raacisay warbixintu.

Ugu dambeyn hay’adda ayaa ugu baaqday AMISOM inay deg deg u qaado tallaabo ka dhan ah ciidamada Kenya oo horey loogu eedeeyey dhibaatooyin ka dhacay gobolka Gedo.

Waxaan ugu baaqaynaa AMISOM inay si degdeg ah u qaaddo tallaabo ay kaga ilaalinayso rayidka weerarrada joogtada ah ee dhimashada leh ee ay geystaan KDF,” ayaa markale lagu yiri bayaanka kasoo baxay hay’adda difaacayaasha xuquuqda Aadanaha Soomaaliya .