28.9 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Ciidanka NISA oo maanta ku guuleystay soo afjarida Xasan Siidoow Xuseen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howl-gal si qorsheysan loo fuliyay ka sameeyay deegaanka Cumar Beerre ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa diyaarinta qaraxyada iyo falalka amni darro ee argagixisadu ka fulin jireen gobolkaas.

Horjoogaha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Xasan Siidoow Xuseen ayaa ahaa maskaxdii abaabulka qaraxyada dhulka lagu aaso ee lagu dhibaateyn jiray dadka shacabka ah iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.

Ninkan ayaa door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagista weerarada Shabaab ee halkaas ka dhici jiray, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka.

Ciidanka Gaashaan oo muddo dheer ku raad joogay horjoogahan ayaa ugu dambeyn xalay ku guuleystay in ay soo afjaraan Xasan Siidoow Xuseen iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa, kuwaas oo la socday xilligii howl-galku dhacayay.

Ciidanka NISA ayaa muddooyinkii dame kordhiyay dadaalka lagu xaqiijinayo nabad-gelyada shacabka, isla markaana lagu cirib-tirayo haraadiga Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa imanaya saacado kadib markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Sh/Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howl-gal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News